Barcelona oo Guul Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
165

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ku furatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo garaacay kooxda Gimnastic kulan ka dhacay garoonka Camp Nou.

Tababare Ronald Koeman ayaa ciyaarsiiyay xiddigo da’yar u badan iyada oo ay ku jireen xiddigo dhawr ah oo kooxda 1-aad ah kuwaas oo ciyaaray qayb ka mid ah ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Barcelona ku dhibaatootay in ay wax goolal ah dhaliyaan iyada oo kooxda Gimnastic iska caabisay una diiday in ay shabaqooda soo taabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here