Mid ka mid ah Wasiirada Tunuusiya oo Kororka Covid-19 Awgii Shaqada looga Eryay.

0
216

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka caafimaadka ee dalka Tunuusiya Faouzi Mehdi ayaa shaqada laga ceyriyay iyadoo wadanku uu la daalaa dhaceyo la tacaalidda tirada sii kordheysa ee kiisaska fayrska karona.

Korarka kiisaska ayaa qasbay inay gabaabsi noqdaan adegyadii caafimaadka waxaana jira oksijiin yari ka jirta isbitaalada ku yaalla dhowr gobol oo dalkaas ka tirsan . Horraantii bishaan afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ayaa xaaladda ku tilmaamay “musiibo”.

La-taliye ka tirsan wasaaradda caafimaadka ahna madaxa xarunta tallaalka Palais des Congrès ee Tunuusiya, Rafla Tej Dellagi, ayaa sheegtay in xaaladdu dalka ee cudurka ay marayso meel halis ah .

Waxay sheegtay in Tunuusiya ay u baahan tahay inay si dhab ah u xoojiso barnaamijkeeda talaalka si looga hortago faafida cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here