Mareykanka oo Baaritaan ku Wadda Cudur Aan la aqoonin oo lagu Arkay Safaaradeeda Austira.  

0
170

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Mareykanka ayaa baaritaan ku wadda cudur saameyn weyn ku yeeshay diblomaasiyiintooda iyo shaqaalaha kale ee ku sugan safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Vienna ee dalka Austria

In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan safaaradda ayaa lagu arkay calaamadaha cudur u eg midka loo yaqaanno Havana Syndrome – oo ah xanuun aah ilaa hadda la garanaynin – kuwaasoo dhammaantood xanuunsaday laga soo billaabo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Biden bishii January.

Cudurkan wali lama sharrixin, laakiin seynisyahannada Mareykanka ayaa sheegay inay u badan tahay inuu yahay xanuun ka dhashay kuleylka ay dhaliso korontada.

Markii ugu horraysay waxaa lagu arkay waddanka Cuba intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here