Duqa Muqdisho Oo Xarigga Ka Jaray Waddo Muhiim Ah Oo Dib U Dhis Lagu Sameeyay

0
175

JOWHAR (Radio isnaay) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha lagu sameeyay wadada Laamiga ee hormarta Warshada Caanaha ee Degmada Hodan.

Wadadaan oo aheyd mid bur-bur ku yimid isla markaana dhibaato xoogan oo dhanka isku socodka ah ay ku qabeen shacabka ayaa muddo kooban lagu dhisay iyadoo laga jawaabayo cabashada Shacabka, sida.lagu sheegay War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Bulshada in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen Dhismaha lagu sameeyay Wadadaan Laamiga ah isla markaana ay ugu shaqeyn lahaayeen Bilicda iyo Nadaafada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here