Hoggaamiyaasha Dalalka Mareykanka iyo Ciraaq  oo  la Shaaciyey in ay ku Kulmi Doonan Washington.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hadal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Joe Biden bishan July 26-da kula kulmi doono RW Iraq, Mustafa Al-Kadhimi magaalladda Washington.

Afhayeeda Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa sheegtay inay Labada Hoggaamiye ka wada xaajoon doonaan Xiriirka iyo Iskaashiga Labada Geesoodka ee u dhexeeya labadooda Waddan iyo Jadwalka shaqo ee Heshiiska Istaraatijiyada ee Maraykanka iyo Iraq.

Kulanka waxaa kaloo diirada lagu saari doonaa Arrimaha Amaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha,Caafimaadka, Tacliinta, Dhaqanka iyo Iskaashiga Deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here