Midowga Yurub oo ku Dhawaaqay Qorshe wax looga Qabanayo Isbadelka  Cimillada.

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxa isbadalka cimillada ee Midowga Yurub, Frans Timmermans, ayaa waxa uu ku dhawaaqay qorshe lagu jarayo qiiqa hawada lagu sii daayo si bini’aadamku uu u helo fursad uu kula dagaalamo isbadelka cimillada.

Qorshaha Midowga Yurub ayaa ah in la soo afjaro iibka gawaarida naaftada ku shaqeeya wixii loo gaaro 2035, taas oo ka mid ah tallaabooyinka ugu adag ee ka dhanka ah gaaska ee illaa hadda la shaaciyay.

Midowgu waxa uu markii ugu horraysay ku dhawaaqay qorshe lagu canshuurayo shidaalka ay isticmaalaan maraakiibta iyo diyaaradaha, waxaana uu canshuur gaar ah ku soo rogay carbon-ka lagu isticmaalo shamiitada, birta iyo aluminium-ka ee dalalka ay soo dhoofsadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here