Iiraan oo ku Dhawaaqday Barnaamij dhinaca internet-ka ah oo ay Dhallinyarada ku Haasaawi karaan.

0
409

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ujeeddada waxay tahay in dhallinyarada loo fududeeyo guurka, iyadoo waddankaas ay muddooyinkii ku bateen dadka is furaya. Sido kale waxaa hoos u dhacday tirada carruurta dhalanaysa.

App-ka ayaa lagu magacaabaa Hamdan (oo micnaheedu yahay wehel, marka laga soo fasiro luuqadda Persian). Waxaa soo saaray hay’ad ay dowladda u xil saartay.

Waxay sheegeen in loo adeegsaday qalab isku raadinaya dadka haasaawe doonka ah, “waxaana loo oggol yahay dadka iskaabulada ah ee raadiya guur waara oo keli ah” waxaana dhammaan dadka isticmaala loo oggol yahay hal xaas oo kaliya.

Barnaamijyada internet-ka ee lagu haasaawo ayaa ku badan dalka Iiraan, laakiin hadda wixii ka billowda waxaa sharci ka ahaan doona dalkaa barnaamijka ama APP-ka Hamdan oo kaliya.

Sharciga Iiraan ayaa sidoo kale dambi ka dhigaya gogol dhaafka ama xiriirka ka baxsan guurka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here