In ka Badan 60 qof oo ku Dhintay Dab Qabsaday Cisbitaal ku Yaala Dalka Ciraaq.

0
154

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 66 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 100 kalena waa ku dhaawacmeen dab loo maleynayo inuu ka dhashay qarax haanta oksijiinka ee isbitaalka lagu dabiibo bukaanadda coronavirus ee ku yaal magaalada Nassiriya ee koonfurta Ciraaq, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka iyo booliska.

Shaqaalaha gurmadka ayaa galay dhismaha isbitaalka al-Hussain oo qiiq hareeyay, iyagoo raadinaya meydad dheeri ah, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhimi uu kulamo deg deg ah la yeeshay golohiisa wasiiradda, isagoo amar ku bixiyay in shaqada laga joojiyo, isla markaana la soo xiro maareeyeyaasha caafimaadka iyo kuwa madaniga ah ee Nassiriya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo xaafiiskiisa ka soo baxay.

Dowllada Ciraaq ay hadda la halgameyso la tacaalidda dhibaatada COVID-19 oo ay ku dhinteen 17,592 oo qof, uuna ku dhacday in ka badan 1.4 milyan.

Warbixinnada horudhaca ah ee booliska ayaa sheegaya in haanta oksijiinka ee ku qaraxday gudaha qaybta cisbitaalka ee COVID-19 ay u badan tahay inuu sababo dabka” ayuu yiri nin ka tirsan booliiska oo ku sugan goobta uu dabka ka kacay.

Bishii April, dab ka dhashay qarax haanta oksijiinka ee isbitaal lagu dabiibo bukaannada COVID-19 ee magaalada Baqdaad ayaa dilay ugu yaraan 82 qof, halka 110 kalena ay ku dhaawacmee

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here