Jorginho oo Lagu Eedeeyey Inuu Iska Dhigay Dhaawac.

0
282

Qaybta labaad ee waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaartii finalka ee xalay ayaa uu Jorginho jilibka kaga istaagay Jack Grealish oo si degdeg ah loogu yeedhay dhakhaatiirta oo gargaar ugu fidisay garoonka dhexdiisa, laakiin Jorginho ayaa isaguna dhulka isku tuuray oo galgashay, waxaana u yimid dhakhaatiirta Talyaaniga oo isagana garab siiyey.

Kubbad-sameeyaha Talyaaniga ayaa ka hor intii aanu dhulka isku tuurin, waxa uu eegay Jack Grealish oo xanuun dartii la cabaadaya, waxaanu markaas kaddib la yimid xeelad uu kaga badbaadi karayo kaadh cas oo toos ah oo la siiyo.

Gasoore Bjorn Kuipers ayaa kaadh digniin ah oo kaliya siiyey Jorginho, laakiin waxay u muuqatay in naxariis badan loo muujiyey, iyadoo haddii uu garsooruhu siin lahaa kaadh casaan ah aanay wax dood ahi ka timaaddeen.

Laacibkii hore ee xulka qaranka England ee Jermaine Jenas ayaa  ku eedeeyey Jorginho in uu xariifnimo sameeyey oo uu istuuray, iskana dhigay dhaawac si uu uga badbaado kaadh oo la siiyo.

“Lugtiisu waxay ka boodday kubadda, waxaanu si toos ah dusha sare ugaga istaagay jilibka Jack. Waa fal naxdinleh.” Ayuu yidhi Jones oo intaa raaciyey: “Jorginho si uu kaadh uga badbaado ayuu iska dhigay dhaawac”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here