Imaaraadka oo ku Dhawaaqay in uu Safaarad Ka Furan Doono Dalka Israel.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saraakiisha Imaaraadka waxay sheegeen inay maalinta Arbacadda ee soo socota si rasmi ahaan Safaaradooda uga furan doonaan Caasimadda Israel ee Telviv.

Madaxweynaha Israel, Isaak Herzog ayaa la sheegay inuu goobjoog ka noqon doono Munaasabadaasi.

Ergada Diplomaasiyiinta Israel waxay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan ka hawl-galayeen dalka Imaaraadka, iyadoo isbuucii hore la furay dhismaha Safaraadda Israel ku leedahay Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel, Yair Lapid waxa uu dabayaaqadii bishii hore ee June socdaal ku tegay dalka Imaaraadka, isagoo goobjoog ka noqday Furitaanka Qunsulliyada Guud ee Israel ee magaalladda Dubai.

Dabayaaqadii sanadkii hore, Dowladaha Imaaraadka, Moroko iyo Sudan waxay xiriir Diplomaasiyadeed la saxiixdeen Israel, kadib, markii uu Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump Galaangal u galay Heshiiskii the Abraham Accords si loo caadiyeyn lahaa Xiriirka Israel

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here