Lionel Messi & Neymar oo Abaalmarintii Ugu Weyneyd Copa America Qeybsaday.

0
159

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Go’aan aan hore looga baran ayay gaareen xiriirka kubada cagta Latin America ee loo yaqaano CONMEBOL iyagoo ku dhawaaqay in kabtanka Argentina Lionel Messi iyo xiddiga Brazil Neymar inay kuwada guuleysteen abaalmarinta Xiddigii ugu fiicnaa koobka Copa America oo ay Argentina ku guuleysatay.

Argentina ayaa ciyaartii finalka ee Copa America waxay garoonka Maracana ku garaacday Bazril iyagoo koobka qaaday markii ugu horeysay muddo laga joogo 28 sannadood, waxayna uga mahadcelinayaan gool uu u saxiixay Angel di Maria.

aakiin xiriirka CONMEBOL ayaa ku rafaaday inay doortaan hal xiddig oo ku guuleysta abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa tartanka, waxayna doorteen inay abaalmarinta wada gudoonsiiyaan Messi iyo Neymar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here