Dowladda Jarmalka oo ku Dhawaaqday in Fiisooyin ay siisay Shaqaalaha Dalka afganistaan.

0
114

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda Difaaca Jarmalka ayaa shaacisay inay 2,400 oo Fiisooyin ah siiyeen Shaqaalaha Afganistan iyo qoysaskooda ee la shaqeeyey Ciiddaanka Jarmalka ee ka hawlgalay dalkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Jarmalka, Dvid Helmbold ayaa sheegay inay doonayaan inay tageero badan oo suurtogal ah siiyaan Muwaadiniinta Afganistan ee la soo shaqeeyey Ciiddanka Jarmalka.

Waxa uu intaasi ku daray in Shaqaalaha la siiyey Fiisooyinka ay sida ugu dhaqsaha badan ugu dhoofi doonaan Jarmalka.

Warkan ayaa soo baxay maalmo kadib, markii Ciiddankii ugu dambeeyey ee Jarmalka laga saaray dalkaasi oo ay ku sugnaayeen tan iyo sanadkii 2003-dii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here