Dowladda Itoobiya oo Lacag la’aan Darteed u xireysa Safaaradaheeda Dibadda.

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in go’aankii uu kala soo baxey ciidamada dhanka iyo Tigray, uu ahaa mid sax ah oo loo aynayo.

Wuxuu kahadlayey ra’iisal wasaaraha, kalfadhiga afraad ee gaarka ah ee Golaha Wakiilada ee dalka Itoobiya

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in safaaraddo badan loo baahneyn, taasoo galineysa dalka qarashaad dheeraad ah.

Dowladda la dhisi doono sanadka danbe ee bisha September, ayaa xiri doonta in ka badan soddon safaaradood, ayuu ku yiri khudbad uu maanta ka jeediyey baarlamaanka Itoobiya.

Shirka maanta ayaa bilawdey, ka gadaal markii xubnaha baarlamaanka ay u sacabatumeen muddo gaaraysa illaa iyo daqiiqad, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan ciidamada Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka jawaabey su’aalo la xiriira xaaladaha haatan taagan iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here