Liverpool oo Dhamaystirtay Saxiixeedii 2-aad Ee Suuqa Xagaagan.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Renato Sanches kaas oo ay ku dhawdahay in ay ku dhamaystirto lacag dhan 30 milyan oo euro.

Warkan ayaa imanaya xilli ay kooxda Lille diyaar u tahay in iska iibiso xiddiga ka caawiyay ku guulaysiga horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkii hore sidoo kale qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tartanka Euro 2020.

Heshiiska ay Liverpool ku doonayso saxiixa xiddiga Renato Sancho ayaa ku dhaw in la dhamaystiro lana filayo in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda.

Warkan ayaa sidoo kale imanaya xilli ay Reds suuqa ugu jirto badalka Georginio Wijnaldum kaas oo ka tagay kooxda kuna biiray kooxda PSG kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxdu.

Liverpool ayaa lala xidhiidhinayay xiddigo badan oo khadka dhexe ah kana mid yihiin xiddigaha Yves Bissouma & Florian Neuhaus laakiin Liverpool ayaa u muuqata mid diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Sanches.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here