Gareth Southgate oo Magacaabay 4 Xiddig oo Aan Hal Daqiiqo U Ciyaarin Xulka Euro 2020.

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Xulka qaranka England ee Gareth Southgate Ayaa amaanay 4 xiddig oo xulkiisa ah kuwaas oo door weyn ka ciyaaray in uu xulka England iska xaadiriyo Semi-final-ka euro 2020.

Xulka England ayaa iska xaadiriyay Semi-finalka euro 2020 iyaga oo haatan la ciyaari doona xulka Denmark kulanka ka horeeya Final-ka Euro 2020.

Xulka England ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo isha ku haya iska xaadirinta final-ka tartanka sidoo kale doonaya in ay markii ugu horaysay ku guulaystaan tartanka.

Si kasta ha ahaatee tababare Southgate ayaa magacaabay 4 xiddig oo aan hal daqiiqo ciyaarin kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaray in uu xulka England iska xaadiriyo Semi-final-ka euro 2020.

“Xiddiguhu waxa ay ahaayeen kuwa cajiib ah,” Southgate ayaa u sheegay BBC One.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here