Haweenka Kenya oo Dalbaday in ay Qeyb ka Noqdaan Qaadiga Muslimiinta Dalkaasi.  

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kenya waxaa ka taagan doodda ah in gabdhaha Muslimiinta ah ay noqon karaan qaadiga Muslimiinta dalkaas ee ka shaqeeyo danaha shacabka Muslimiinta iyo in kale.

Qaar kamid ah ururada haweenka Kenya ayaa gadaal ka riixayaa in jagada ugu sarreysa ee xafiiska qaadiga loo magacaabo haweenka xilli uu xilka kasii degayo qaadiga hadda xilka haya.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa sheegay indalabkaasi aysan aqbaleynin maadama ay tahay arrin liddi ku ah diinta.

“Ma aqbaleyno in qof dumar ah ay noqoto qaadi. Waa arrin kasoo horjeedo diinta Islaamka,” ayuu yiri Ducaal

Wuxuu intaasi ku daray “diinta Islaamka waxay maqaam sare gaarsiisay oo ay qaddarisay dumarka, Islaamka wuxuu si cad u sharraxaya shaqooyinka haweeneyda looga baahan yahay inay qabato iyo kuwa laga mamnuucay, waxaana kamid ah shaqada qaadiga.”

Wuxuu dadka wada ololahan uga digay inay soo saaraan arrimaha ku aadan in dadka loo yeeriyo go’aanada ku saabsan diinta Islaamka ee dalkan.

Ducaale ayaa sidoo kale sheegay in taariikhda aanan lagu heynin haweeney qaadi u noqotay Muslimiinta sidaa daarteed aysan marnaba ogolaan doonin arrintani.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here