Real Madrid Oo Man United Ka Dalbatay Xiddig Ay Ka Qayb Dhigto Heshiiska Raphael Varane.

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay Donny van de Beek amaah kaga qaadato Manchester United kaas oo ka qayb noqon doona heshiiska ay Man United ku doonayso daafaca dhexe ee Raphael Varane.

Los Blancos ayaa aqbashay in uu Varane isaga tagi doono kooxda xagaagan waxana ay diyaar u yihiin in ay u ogolaadaan in uu ku biiro kooxda Man United.

Sida laga soo xigtay The Sun, Real ayaa xiiseyneysa amaah hal xilli ciyaareed ah oo ay ku qaadato Van de Beek Iyaga oo ay sidoo kale waajib ku noqon doonto in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wararka ayaa sheegaya in ay Real Madrid ku dhawaatay in ay hesho saxiixa Van de Beek xagaagii hore laakiin kooxda ayaan wakhti hore iska iibin xiddigo si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga taas oo keentay in uu ku biiro United.

Van de Beek ayaa ku dhibaatooday Man United xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Man United isaga oo kaliya kooxda u saftay 26 kulan tartamada oo dhan kaliyana ku bilowday 4 kulan premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here