Muhaajiriin laga soo Badbaadiyay Xeebaha Wadanka Tunisia.

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Tunisia ayaa so badbaadiyay 84 qof oo muhaajiriin ah kadib markii ay cellad ku timid doontii ay saarnaayen.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku jira baadi goob 43 muhaajiriin ah oo la waayaay, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadkii doonta saarnaa.

Mas’uul ka tirsan bisha cas ayaa sheeegay in dadka lasoo badbaadiyay ay ka soo kala jeedaaan wadamada Eritrea, Suudaan, Bangladesh, Masar, Chad iyo Yemen.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Tunisia ayaa maalin ka hor sheegay inay soo heleen 8 meyd ah iyagoo soo   badbaadiyay 46 tahriibiyaal ah oo ay soo badbaadiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here