Toni Kroos oo Ka Fadhiistay Ciyaarista Xulka Qarankiisa ee Germany.

0
243

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Germany ee Toni Kroos ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah ee u ciyaarista xulka qarankiisa Germany kadib markii xulkiisa wareega 16-ka looga reebay tartanka Euro 2020.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa ciyaaray dhamaan kulamadii xulkiisa ee Euro 2020 laakiin waxa uu arkay xulkiisa oo wareega 16-ka kaga hadhay tartanka kadib guuldaro ka soo gaadhay xulka England.

Kroos oo xulka Germany u ciyaaray 106 kulan ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu ka fadhiistay ciyaarista xulka qarankiisa isla markaas aan ka qayb ahaan doonin liiska tababaraha cusub ee Hansi Flick.

“Waxa aan xulka Germany u ciyaaray 106 kulan, ma ciyaari doono mar kale”ayuu Kroos ku yiri hadal uu soo dhigay baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here