Lambarka Uu Jadon Sancho Waydiistay Man United oo La Ogaaday.

0
166

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa inuu weydiistay Manchester United lambarka 7aad xilli ciyaareedka soo socda.

21 jirkaan ayaa qarka u saaran inuu u saxiixo kooxda 20ka jeer hanatay horyaalka Ingariiska, kuwaasoo la filayo inay ka bixiso lacag dhan 73 milyan oo euro.

Sancho ayaa haatan xulka England kala qayb galaya tartanka Euro 2020 waxana uu qalinka ku duugi doonaa heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Man United marka uu ku baaso tijaabada caafimaadka.

Sida laga soo xigtay The Guardian, weeraryahanku wuxuu codsaday inuu xirto maaliyada lambarka 7aad ee Man United xilli ciyaareedka soo socda, isagoo raadinaya inuu maro wadadii ay mareen Eric Cantona, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo.

Si kasta ha ahaatee waxa haatan Lambarka Xidha Edinson Cavani oo kooxda dhawaan u saxiixay heshiis 12 bilood ah oo uu ku sii jooayo Old Trafford iyada oo ayna kooxdu wali go’aan ka gaadhin arintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here