Dowladda Bangladesh oo Xeebaha Dalkeeda ka soo Badbaadisay labo Maroodi oo Badda ku Dhacay.  

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xeebaha dalka Bangladesh laba maroodi oo habow ah oo badda maciin biday balse ku sigtay in ay ku dhintaan ayaa xargo lagu soo badbaadiyay kaddib markii muddo dhawr maalmood ah ay ku go’doonsanaayeen xeebaha badda.

Maroodiyadan oo ku noolaa gudaha dalka Myanmar ayaa ka lumay raxantii ay wada socdeen, kaddibna waxay u soo tallaabeen dhanka Bangladesh, iyagoo ka soo tallaabay wabiga u dhaxeeya labada dal ee Bangladesh iyo Myanmar.

Kaddib muddo afar maalmood ah oo maroodiyadani ay ku xayirnaayeen xeebta, ayaa waxay go’aansadeen in ay badda galaan maadaama dhanka berriga ay ka xayireen dadka deegaanka oo habeen iyo maalin dhinacyada ka taagnaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kaashanaya kalluumeysatada deegaanka ayaa markii dambe u gurmaday oo soo badbaadiyay labadani maroodi, kuwaa oo inta xargo lagu soo xiray loo soo jiiday dhanka berriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here