Shiinaha oo Qeyb ka ah Dalalka  Dumarkooda mar qura ay guursan karaan Rag Badan .

0
157

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Shiinaha, gobolka Tibet waxaa dhaqan ah in dumarka mar qura ah ay guursan karaan rag badan, waana arrin laga sameeyay deegaannada dhaca dhaca gobolkan sida Tsang iyo Kham.

Qowmiyadaha ku nool halkan sida Monpa, Tamang, Qiang, Sherpa iyo Lhoba waxaa dhaqan u ah in dumarka hal mar ay rag badan la aqalgeli karaan.

Haweeneyda marka ay dhasho ilmo, khasab kuma ah in aabaha dhalay ugu magac darto maadama ay rag badan u dhaxdo si ay u ilaaliso xiriirka kala dhexeeyo raggaas.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in guurka noocan uu 90% ku badan yahay deegaannada miyiga dhaca ee gobolkaas.

Balse kuma badna magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla Shiinaha.

Nepal, waa mid kamid ah dalalka ugu saboolsan ee ku yaalla qaaradda Aasiya, wuxuu dhacaa buuraha Himalayas.

Waxaa sanadkii 1963 dalkan laga mamnuucay in dumarka ay mar qura ah guursan karaan rag badan, balse weli guurkan noocan ah waxay dhaqan u tahay bulshooyinka ku nool deegaannada Humla, Dolpa iyo Kosi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here