Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Chelsea ayaa jawaab siisay dhiggooda Man City kuwaasi oo doonaya saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Reece James
Waxaa sii xoogeystay wararka tilmaanaya in City dadaal ku bixineyso in Chelsea ku qanciyaan in laga ibiyo Reece James inta suuqa xagaaga uu furan yahay
Talk Sport ayaa sheegeysa in Chelsea haatan cadeeyeen go`aankooda ku aadan Reece James kaasi oo soo bandhigaya heer ciyaareed indhaha soo jiitay
Waxa ay Chelsea ku war giliyeen City in Reece James uusan iib aheyn , ayna marnaba suura gal noqon doonin in xagaagaan iibiyaan
” Reece James waa lama taabtaan , qorshayaasha macalin Tochel ee xilli ciyaareedka bilaabanaya ayuu qeyb ka yahay” ayay Chelsea sii raaciyeen warkooda