Mareykanka oo Fahfaahin ka Bixiyay walxo duula oo lagu arkay hawada Dalkaasi.

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in wax faahfaahin ah aysan ka bixin karin walxo duula oo aan la garan waayay waxa ay yihiin.

Duuliyeyaal ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa horraantii bishan walxahaas ku arkay hawada Mareykankan.

Dowladda waxay meesha ka saartay in walxahana qalab hawada loo soo diray.

Warbixin kasoo baxday waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka ayaa sheegtay in 144 dhacdo laga soo tebiyay hawada tan iyo 2004-tii balse mid kamid ah haatan la garan la’yahay isla markaana aanan wax sharraxaad ah laga bixin karin.

Aqalka Koongareeska ayaa horraan codsaday in la baaro walxahaas kadib markii duuliyeyaal ka tirsan militeriga ay walxahaas kusoo arkeen hawada Mareykanka.

Horraantii bishan ayay aheyd markii dowladda ay warbixin kasoo saartay howlgal ay sameeyeen milatariga Mareykanka oo sanadkii la soo dhaafay lagu baarayay walxo duula oo aan la garan oo tobnaankii sano ee la soo dhaafay lagu arkayay hawada Mareykanka.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka, (Pentagon), ayaa sheegtay inay dooneysay inay wax badan ka fahanto walxahan, oo loo soo gaabiyo (Yovuz), si loo go’aansado inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka iyo in kale.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here