Manchester United oo Heshiis lasaxiixan doonta Xiddiga Reer England ee Jadon Sancho.

0
216

Jowhar- (Radio Isnaay)-  Manchester Untied ayaa ugu dambayntii la saxeexan doonta xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo ay kala soo wareegayso Borussia Dortmund oo ay isla gaadheen heshiis ah in £75 milyan oo Gini ay ku kala iibsadaan, taas oo ay la soconayso qodob kale oo Red Devils ku waajibinaya £5 milyan oo Gini oo dheeraad ah oo ay waqti dambe siin doonto Dortmund.

Labada kooxood ayaa heshiis ka gaadhay iibka Jadon Sancho sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay, waxaase hadhsan waxyaabo yaryar oo farsamo oo iyaguna gabogabo ku dhow.

21 jirkan oo waqtigan ku sugan xulka qaranka England ee uu qaybta ka yahay, isla markaana isku diyaarinaya ciyaarta Germany ay Salaasada la ciyaari doonaan ee wareegga 16ka Euro, ayaa waxa uu dhinaciisa hore heshiis shaqsi ah ula sii gaadhay Manchester United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here