Kooxda Arsenal oo ku Dhawaaqday Xiddiga Heshiiskiisa Muddo La Sugayay.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku dhawaaqday heshiis maalmahanba taageereyaashu u dhegtaagayeen oo ay Gunners ku xaqiijisanayso mustaqbalka xiddig muhiim ah oo wacdaro ka dhigay tartanka qaramada Yurub.

Arsenal ayaa doonaysa in ay is-dhisto xagaagan, lana soo wareegto dhawr ciyaartoy oo ay isku xoojiso, gaar ahaan khadka dhexe iyo difaaca oo ay uga baahan yihiin laacibiintii u buuxin lahaa boosaskii ay banneeyeen David Luiz, Dani Ceballos iyo Martin Odegaard oo labada dambe ay ku noqdeen kooxdoodii Real Madrid ee ay amaahda kaga yimaaddeen.

Tababare Mikel Arteta ayaa shaaciyey, in kooxda uu heshiis cusub u saxeexay difaaca reer Scotland ee Kieran Tierney oo shan sannadood oo kale ku kordhiyey heshiiskiisii hore, kaas oo soo afjaray maalmo uu warbaahinta ku jiray oo laga hadlayay mustaqbalkiisa.

Arteta oo la hadlay website-ka Arsenal ayaa yidhi: “Kani war weyn ayuu u yahay Arsenal maanta. Aniga oo ku hadlaya afka shaqaalaha tababarka iyo shaqaalaha kale oo dhan, waxa farxad ii ah inaan la shaqeeyo KT [Kierran Tierney]. Tayadiisa, tamartiisa, xirfadlenimadiisa, kaliya ma aha maalmaha ciyaaraha laakiin tababarka maalin kasta oo uu mar walba heerka ugu sarreeya ka yahay.”

Agaasimaha farsamada Arsenal ee Edu ayaa isaguna ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faran yihiin in Kieran uu heshiis waqti dheer ah saxeexo. Waxa kale oo uu xusay in qof walba uu si degdeg ah u aqoonsaday hibada ciyaareed ee laacibkan ku jira, isla markaana uu yahay ciyaartoy heersare ah oo maskaxdiisuna xooggan tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here