Raphael Varane oo Doonaya In Uu Ku  Biiro Kooxda Man United.

0
182

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daafaca Real Madrid Raphael Varane ayaa isha ku haya inuu ku biiro Manchester United xagaagan, sida ay sheegayaan wararka.

Kooxda Man United ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga 28 jirka ah kaas oo diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wargayska The Independent Ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France doonayo in uu isaga tago real Madrid kuna biiro kooxda Man United si uu uga ciyaaro horyaalka Premier League.

Si kasta ha ahaatee wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga reer france mushahar ahaan u doonayo lacag dhan 400 kun oo Gini todobaadkii taas oo sabab u noqon karta in uu heshiisku dhici waayo.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay hesho saxiixa xiddiga oo ay Real Madrid ku qiimayso kaliya 60 milyan oo euro laakiin diyaar uma ahan in ay bixiso mushaharka uu doonayo xiddigu maadama ayna bixin karin lacagta intaas leeg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here