Kooxda Barcelona oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalka Philippe Coutinho.

0
159

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka laacibka reer Brazil ee Philippe Coutinho oo la filayay in xagaagan uu ka tago Camp Nou kaddib sannado ay dhaawacyo iyo bandhig liita isku raaceen.

Philippe Coutinho oo Barcelona ay 135 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Liverpool sannadkii 2018 ayaa  sannad amaah ah kusoo qaatay Bayern Munich oo uu kula soo guuleystay Champions League, laakiin xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ayuu intiisa u badan u jiifay dhaawacyo uu illaa hadda ku maqan yahay.

Tan iyo January 2018, waxa uu Philippe Coutinho u saftay Barcelona 64 ciyaarood oo kaliya, waxaanu u dhaliyey 15 gool.

Barcelona oo ku jirta xaalad dhaqaale xumo ayaa la filayaa inay dareeriso dersin ciyaartoygeeda ah, waxaana hore loo sheegay in Coutinho ay suurtogal tahay inuu qayb ka noqday.

Laakiin sida uu qoray wargeyska Diario AS, Barcelona ayaa go’aansatay in 29 jirkani uu sii joogo illaa inta ay ka helayaan koox ula timaadda dalab macquul ah oo ay ku fasaxaan, haddii kalena uu joogayo oo uu tababare Ronald Koeman siin doono fursad uu isku muujin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here