UEFA oo Meesha Ka Saartay Sharciyada goolasha Martida Ay Qabato.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddiga Fulinta ee UEFA ayaa ansixiyay soo jeedin ah in meesha laga saaro waxa loogu yeero sharciyada goolasha martida ee dhammaan tartamada kooxaha UEFA laga bilaabo bilowga xilli ciyaareedka 2021-2022.

“Sharciga goolasha martida ayaa qeyb muhiim ah ka ahaa tartamada UEFA tan iyo markii la soo saaray 1965,” ayuu yiri madaxweynaha UEFA Aleksander Ceferin.

Wuxuu intaas ku daray, “Si kastaba ha noqotee, su’aasha ah in la baabi’iyo ayaa looga hadlay shirar badan oo UEFA ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay. In kasta oo aysan jirin wax la isku raacsan yahay, tababarayaal badan, taageerayaal iyo daneeyayaasha kale ee kubada cagta ayaa su’aal ka keenay cadaaladdeeda waxayna muujiyeen sida ay u jecel yihiin in meesha laga saaro goolkaas”.

Kulamada haatan la dhaliyo goolal isku mid ah labada lugood waxa si toos ah loo aadi doonaa 30 daqiiqo oo dheeri ah iyo waliba rikoodhayaal hadii lagu kala bixi waayo.

Goolasha martida ee UEFA ayaa sabab u noqday in kooxo badan lagu reebo taariikhda tartamada champions league iyo Europa League iyaga oo niyad jabiyay taageerayaal iyo xiddigo badan kubada cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here