Kylian Mbappe oo Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Kooxda PSG

0
209

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xilli uu Kylian Mbappé diidanyahay in uu mustaqbalkiisa kaga hadlo waajibaadka xulka qarankiisa France waxa boggaga hore ee wargaysyada dalka France lagu daabacayaa mustaqbalkiisa.

Kylian Mbappé ayaan wali wax heshiis cusub ah ogolaan waxana uu heshiiskiisa haatan dhacayaa xagaaga 2022, Kooxda PSG ayaana ku rajo weyn in ay xiddiga hesho xagaagan ama xagaagan dambe kuna hesho aab xor ah.

Warkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada France ka qoraan mustaqbalkiisa ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda PSG.

Saxafiga Daniel Riolo ayaa sheegay in uu Mbappe maamulka PSG ku war galiyay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda laakiin ay adagtahay in la helo koox diyaar u ah lacagta lagu iibinayso xiddiga.

Isla saxafiga ayaa sheegay in codsiga Bixitaanka Mbappe la macno tahay in uu helo koox uu ku biiro halka ay PSG haatan u dhaqaaqayso xiddig ay ku buuxiso booskiisa hadii uu xiddigu boxo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here