Real Madrid oo Hoggaanka U Qabatay Tartanka Loogu Jiro Weeraryahanka Erling Haaland.

0
106

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa mar kaliya hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ee afka hore uga ciyaara Borussia Dortmund, waxaanay wararku sheegayaan in mar horeba ay kooxda reer Germany u fasaxday gool-dhaliyahan inuu la xaajoodo Real Madrid.

Los Blancos ayaa hore loola xidhiidhinayay weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay waqtiga uu dhamaanayo heshiiska uu kula jiro PSG, isla markaana uu doonayo inuu tago Santiago Bernabeu.

Laakiin war kale oo ka farxiyey taageereyaasha kooxda reer Spain ayaa soo yeedhay, waxaanay warbaahintu sheegeen in Dortmund ay ogolaatay in Real Madrid ay wada-hadallo la yeelato Erling Haaland oo ay kala heshiiso mushaharkiisa iyo waxyaabaha uu shaqsiyan doonayo, halka labada kooxoodna ay dhinacooda ka bilaabayaan wada-hadalka.

Warka ayaa sheegay in Borussia Dortmund ay ka ordayso in sannad kaddib ay dhaliyahan mucjisada ah ku weydo 75 milyan oo Euro oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo, sidaa darteedna ay diyaar u tahay inay iibiso inta ka horreysa waqtigaas si ay ugu hesho lacag intaas ka badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here