Baaritaan lagu Ogaaday in Madaxweynaha Mareykanka ay Qaraabo yihiin Qoys ku nool England.

0
154

JOWHAR (Radioisnaay) Muddo 20 sano ah, Paul Harris, ayaa ku mashquulay inuu u kuurgalo taariikhda. Waxaa u suuragashay in uu isku duwo xog ku saabsan abtirkiisa.

Waxa uu wax badan ka ogaaday ayeeyadii, Kathleen Mary Brooks, iyo hooyadeed Ann Maria Davies.

Kadib waxa u soo baxday in magaca Biden uu meel ka soo galo qoyskiisa. Mudnaan ma uusan siin arrintaas ilaa maalin kamid ah sanadkii hore ay gabadhiisa Rose Patton ay si aan ku talagal ahayn u tiri hadal micno badan u sameeyay.

Harris oo ah 60 jir ku shaqeeya software-ka ayaa ku doodaya in madaxweynaha ay qaraabo ka yihiin dhanka ayeydii saddexaad oo lagu magacaabo Emily Biden.

Waxa ay ku nooleyd Westbourne, oo ay qoyskeeda ku noolaayeen jiilal badan. Xubnaha qoyskeeda waxaa kamid ahaa adeerkeed William Biden, oo la rumaysan yahay in horraantii 1800 uu u guuray Maraykanka.

Harris ayaa BBC-da la wadaagay dukumiintiyo muujinaya dhalashooyinka qoyskiisa, guurka iyo xogta tirakoobka si uu u muujiyo xiriirka qoys ee kala dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka.

Harris iyo gabadhiisa Rose ayaa dhowr jeer booqday Westbourne si ay xog badan uga helaan xabaalasha qoyska Biden, balse ma aysan helin halka ay ku aasan yihiin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here