Alessandro Nesta oo Sharraxay Wixii Uu Messi Kala Kulmay.

0
97

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Halyeygii difaaca Talyaaniga iyo kooxda AC Milan ee Alessandro Nesta ayaa sharraxaad ka bixiyey wixii ku dhacay markii ay iska hor yimaaddeen Lionel Messi xilli ay labadooda kooxood ku kulmeen Champions League.

Alessandro Nesta ayaa sheegay in toban daqiiqadood gudahood uu Lionel Messi u geystay burbur dhinaca maskaxda ah, isla markaana uu dareemay bahdil.

Lionel Messi oo hormood u ah Barcelona iyo Alessandro Nesta oo difaaca u taagan AC Milan ayaa ku kulmay tartanka Champions League wareeggii Group-yada ee xilli ciyaareedkii 2011/12, waxaanay labadooda kooxood kasoo wada gudbeen hormadaas ka hor intii aanay iskugu imanin semi-finalka.

Barcelona ayaa muujisay sida ay u xooggan tahay waqtigaas oo uu Pep Guardiola hormood u ahaa, waxaanu ahaa xilli ciyaareed ay rikoodho badan jabiyeen, kuna guuleysteen dhamaan tartamadii ay ka qayb-galeen.

Alessandro Nesta oo ka mid ahaa difaacyahannada ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta ayaa toban daqiiqadood gudahood ku dareemay bahdil iyo in Lionel Messi uu baabi’iyey.

Xilli uu waraysi siinayay Calciatori Brutti ayuu Alessandro Nesta yidhi: “Toban daqiiqadood gudahood [tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta], waxaan laaday isaga, laakiin aniga oo dallan ayaan dhulka ku dhacay, waxaanan arkay xiddigaha [Cirka].

“Kaddib gacanta ayuu iisoo fididiyey si uu iiga caawiyo in aan kaco. Aniga oo dhulka jiifa ayaan indhaha kala furay laba ilbidhiqsi kaddib, waxa aan arkay wajigiisa iyo gacantiisa oo uu iisoo fidinayo isagoo doonaya inuu i caawiyo oo uu i kiciyo. Taas ayaa maskaxiyan ii burburisay.

“Waxa i niyad-jabiyey wuxuu ahaa inuu iga baxsaday 10 jeer 10kii daqiiqadood ee ugu horreeyey, waxaanan bilaabay in aan dareemo inaan ahay 37 jir.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here