Wararkii Ugu Dambeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda Caalamka.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Man United ayaa qorshaynaysa in ay xiddiga Paul Pogba u soo bandhigto heshiis uu todobaadkii mushahar ahaan ugu qaadan doono 400 kun oo Gin todobaadkii (Sun).

Kooxda Borussua Dortmund ayaa Man United u sheegtay in ay dalabkeeda kor ugu qaado 77 milyan oo euro iyo waliba lacago guno ah hadii ay doonayso xiddiga Sancho (TalkSport).

Kooxda Man City ayaa dalab Rasmi ah oo dhan 100 milyan iyo waliba xiddig ka gudbisay saxiixa xiddiga Harry Kane laakiin Tottenham ayaa isla markiiba diiday dalabkaas (Romano)

Kooxda PSG ayaa wadahadalo la furtay kooxda Real Madrid iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga Raphael Varane (Foot Mercato).

Tababaraha cusub ee Roma Jose Mourinho ayaa doonaya in uu Kooxdiisa keeno daafaca Sergio Ramos isaga oo doonaya in uu ku qanciyo arintaas maalin walbana la hadla (Calciomercato).

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Eintracht Frankfurt iyaga oo ka doonaya weeraryahanka 25 jirka ah ee Andre Silva (Express).

Kooxda Arsenal ayaa dhanka kale ugu cad-cad in ay la saxiixato xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Betis ee Guido Rodriguez (Marca).

Kooxda chelsea ayaa doonayasa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante (Mail).

Kooxda Arsenal ayaa dalab cusub oo u dhexeeya 17 ilaa 20 milyan oo euro ka gudbisay xiddiga weerarka uga ciyaara Lazio ee Joaquin Correa (Football Italia).

Kooxda Barcelona ayaa xoojisay wadahaladii ay ku doonaysay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Kooxda Atalanta ee Robin Gosens (Sport1).

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa xaqiijiyay in uu Sergio Aguero maalin walba Lionel Messi ku qanciyo in uu sii joogo kooxda Barcelona (Mail).

Kooxda Tottenham ayaa Harry Kane U sheegtay in uu iska iloobo in uu xagaagan ku biiro kooxda Man City (Telegraph).

Kooxda Juventus ayaa xiddig iyo lacag u soo bandhigaysa kooxda Fiorentina si ay u hesho saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee Nikola Milenkovic (Calciomercato).

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay dib ula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramsey hadii uu diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa (Tutto Juve).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here