Talyaaniga & Wales Oo U Gudbay Wareegga 16ka, Switzerland Oo Qiimaynta UEFA Sugaysa Iyo Turkey Oo Bahdil Ku Dhacay

0
156

JOWHAR (Radioisnaay) Xulalka qaranka Talyaaniga iyo Wales ayaa kasoo baxay Group-ka ee tartanka qaramada Yurub oo kulamadii saddexaad ee dhamaadka ahaa lasoo gabogabeeyey, waxaana bahdilkii ugu xumaa gaadhay oo tartanka macasalaameeyey xulka qaranka Turkey.

Talyaaniga ayaa kusoo gudbay dhibcihii ugu badnaa oo ah SAGAAL, waxaanay wada badiyeen dhamaan saddexdii ciyaaroodba iyagoo kusoo xidhay guul 1-0 ah oo ay ka gaadheen Wales.

Xulka qaranka Azzuri ayaa saddexda kulan ee ay ka heleen sagaalka dhibcood waxay ku dhaliyeen toddoba gool iyo shabaqooda oo nadiif ah oo aan wax gool ah laga dhalinin.

Kaalinta labaad ayaa waxa kusoo baxay xulka qaranka Wales oo ay min afar dhibcood haysteen Switzerland laakiin farqiga goolasha kaga sarreeyey.

Wales ayaa kulankii hore kasoo badisay Turkey oo saddexdii ciyaaroodba la garaacay, waxaanay dhibic barbarro ah ka heleen Switzerland, afartaas dhibcood ayaana siiyey guusha taariikhiga ah ee ay ugu soo gudbeen wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.

Switzerland ayaa iyaduna guul weyn oo 3-1 ah kusoo xidhatay wareegga hore ee Group-yada ee tartanka qaramada Yurub, laakiin waxay ku dhacday kaalinta saddexaad, taas oo ka dhigan in aanay ka mid ahayn labada dal ee sida tooska ah ugu gudbay 16ka, balse waxay rajo ka qabaan inay ka mid noqdaan afar waddan oo kaalmaha saddexaad kaga dhamaystay hormooyinkooda oo lagu soo saarayo qiimaynta UEFA.

Waddamada kasoo baxay Group A ayaa  waxay ku dhacayaan Group C iyo Group B, taas oo ka dhigan in Talyaanigu uu la ciyaari doono naadiga kaalinta labaad kaga soo baxa hormadaas oo noqonaya Ukraine ama Austria oo Group C ah, halka Wales ay waajihi doonto Russia ama Finald.

Dhinaca kale, Turkey ayaa ku hadhay qaabkii ugu xumaa iyagoo bahdilanna waxay ku laaban doonaan waddankoodii.

Turkey oo ka mid ahaa dalalka loo saadaalinayay tartanka inay meel fiican ka gaadhaan ayaa laga badiyey dhamaan saddexdii ciyaaroodba, waxaanay laga dhaliyey siddeed gool halka ay iyaguna hal gool oo dirqi ah dhaliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here