Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

0
138

JOWHAR (Radioisnaay) Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Azerbaijan Jeyhun Bayramov kulan gaar ah kula yeeshay  Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga.

Labadda Mas’uul ayaa halkaasi uga qeyb gayalaya  Shirka Diblomaasiyadda oo Sanadkaan ka dhacaya Magaalada Antalya.

Waxay ay kulankooda  diiradda lagu saaray xoojinta cilaaqaadka labada Dal sida uu xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Turkiga.

Waxaa uu tilmaamay Safiir Jamaal Caydiid rajo wanaagsan laga qabo in xiriirka labada dal uu gaaro meel sare .

Xiriirka Dowladaha Soomaaliya & Azerbaijan ayaa soo shaacbaxay 12-kii June 2021 kadib markii Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaas Jeyhun Bayramov.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here