Gorgor 150 sano la la’aa oo lagu arkay Wadanka Britain.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nooc ka mid ah gorgorka oo loo yaqaano Gorgorka Masar oo dad ugu war dambeysay 150 sano ka hor ayaa lagu arkay dalka Britain , taas oo ka yaabisay dadka darsa cilmiga xayawaanka, gaar ahaan kuwa dabar go’a ku dhow.

Waxaa la aaminsanyahay in tani tahay dhacdo qarnigiiba mar uun lala kulmo, iyada oo la sheegay in gorgorka yimid jasiiradda Scilly isaga oo ka yimid waqooyiga Faransiiska.

Dad badan oo shimbiraha u daawasho taga, ayaa la aaminsanyahay in ay ku qulqulaan jasiiradaasi si ay usoo arkaan haaddan dhifka ah.

Markii ugu dambeysay oo UK lagu arkay shimbirkan oo kale waxa aya ahayd 1868-dii.

Waa shimbir qadiimi ah oo lagu arkay raadadka taariikhda dalka Masar, kuwaas oo ay ka tageen dadka Faraaciinta ah, kuna xardhan gidaarada dhagaxa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here