Manchester United, PSG mise Chelsea? Kooxda Uu Kusii Jeedo Sergio Ramos Kaddib Bixitaanka Real Madrid.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sergio Ramos ayaa soo afjaray 16 sannadood oo uu u ciyaarayay Real Madrid, taas oo uu sannadkii 2005 kaga soo biiray Sevilla, isla markaana uu guulo badan la gaadhay.

Real Madrid ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Sergio Ramos uu ka tegayo iyadoo heshiiskii uu kula jiray uu ku egyahay dhamaadka bishan June, sidaana uu qaab xor ah kaga baxayo Los Blancos.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa isku dayay inuu ku qanciyo Ramos inuu sii joogo oo ay mar kale ka wada shaqeeyaan Santiago Bernabeu, laakiin Ramos ayaa go’aansaday in uu ka tago kooxda oo uu tijaabiyo koox kale oo cusub.

Real Madrid ayaa muddo sannad ah wada-xaajood kula jirtay laacibkan si uu u saxeexo heshiis cusub, laakiin waxa  lagu kala fogaaday laba arrimood oo kala ahaa muddada uu saxeexayo iyo mushaharka uu qaadanayo.

Los Blancos oo uu sharcigeedu dhigayo in ciyaartoyda da’doodu ka weyn tahay 30 jir aan mar kaliya la siin karin heshiis ka badan 12 bilood laakiin marka uu qandaraaska hore saxeexo ee uu xilli ciyaareedku bilaabmo haddana sannad kale loo bandhigi karo, ayaa waxay u sheegtay Ramos in sidii ay sannadihii horeba samayn jireen uu saxeexo heshiis sannad ah, laakiin laacibkan ayaa ku adkaystay in ugu yaraan laba sannadood oo wada-socda la siiyo, taas oo kasoo horjeedda siyaasadda kooxda.

Qodobka labaad ee la isku qabtay ayaa waxa uu ahaa in Real Madrid ay u sheegtay, in uu mushaharkiisa dhimo 10%, taas oo uu iyadana Sergio Ramos kasoo horjeedsaday.

Labadan arrimood ayaa la rumaysan yahay inay soo afjareen waayihii 16ka sannadood ahaa ee Sergio Ramos iyo Real Madrid.

Kooxdee ayuu tegayaa Sergio Ramos?

Bilihii ugu dambeeyey, kooxo waaweyn ayaa lala xidhiidhinayay Sergio Ramos, waxaana safka hore kaga jirtay Manchester United oo sidoo kale rajaynaysa inay hesho Raphael Varane oo isagana sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskiisa Real Madrid.

Manchester United ayay warbaahinta Ingiriisku sheegtay inay marar badan oo hore isku dayday inay hesho Ramos dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey, laakiin ay hadda haysato fursad.

Waxa kale oo saxeexa laacibkan raadinaysa PSG oo u baahan ciyaartoy khibrad iyo hoggaamin leh oo u buuxiya booskii uu banneeyey Thiago Silva oo sannad ka hor si xor ah ugu wareegay PSG.

Inkasta oo aanu Sergio Ramos wali ka hadal mustaqbalkiisa, haddana labadan kooxood ayaa ah kuwa sida weyn loola xidhiidhinayo. Laakiin waxa kale oo tartan kula jirta kooxdiisii hore ee uu kasoo baxay ee Sevilla oo u bandhigtay heshiis shan sannadood ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here