Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kulamadii hore ee tartanka qaramada Yurub ee Euro ayaa lasoo gabo-gabeeyey, waxaana durba soo baxday qiimaynta sida ay waddamadu ugu kala horreeyaan hanashada koobka iyo sida ay u kala awood badan yihiin.
Tartankan oo soo bilowday June 11, laguna daahfuray Talyaaniga iyo Turkey ayaa waddan walba waxa uu ciyaaray hal kulan, waxaana u hadhsan min laba ciyaarood oo wareegga groups-ka ah, kuwaas oo lasoo gunaanadi doono June 23.
Euro 2020 oo soconaya muddo bil ah, lana soo afjarayo July 11, waxa la sugayaa in afarta waddan ee ugu dambeeya ay isla tagaan garoonka qaranka England ee Wembley oo lagu ciyaari doono Semi-finalka iyo finalka.
24ka waddan ee ka qayb-gelaya tartankan ayaa la qiimeeyey sida ay tahay awooddooda ay ku qaadi karayaan koobka, waxaana kaalinta koowaad ku jira Faransiiska oo 1-0 kaga badiyey Jarmalka, waxaana ku xiga Belgium halka Portugal oo xasuuqay Hungry uu kaalinta saddexaad soo galay.
Halkan kaga bogo qiimaynta iyo sida waddamadu ugu kala horreeyaan hanashada Euro:
- North Macedonia | Kaalintii ay hore ugu jireen: 22aad
- Hungary | Kaalintii ay hore ugu jireen: 21aad
- Scotland | Kaalintii ay hore ugu jireen: 20aad
- Russia | Kaalintii ay hore ugu jireen:18aad
- Finland | Kaalintii ay hore ugu jireen: 24aad
- Poland | Kaalintii ay hore ugu jireen: 13aad
- Wales | Kaalintii ay hore ugu jireen: 19aad
- Slovakia | Kaalintii ay hore ugu jireen: 23aad
- Ukraine | Kaalintii ay hore ugu jireen: 15aad
- Austria | Kaalintii ay hore ugu jireen: 17aad
- Croatia | Kaalintii ay hore ugu jireen: 14aad
- Turkey | Kaalintii ay hore ugu jireen: 10aad
- Switzerland | Kaalintii ay hore ugu jireen:11aad
- Denmark | Kaalintii ay hore ugu jireen: 8aad
- Sweden | Kaalintii ay hore ugu jireen: 12aad
- Czech Republic | Kaalintii ay hore ugu jireen: 16aad
- Germany | Kaalintii ay hore ugu jireen: 6aad
- Spain | Kaalintii ay hore ugu jireen: 7aad
- Netherlands | Kaalintii ay hore ugu jireen: 9aad
- England | Kaalintii ay hore ugu jireen: 4aad
- Italy | Kaalintii ay hore ugu jireen: 5aad
- Portugal | Kaalintii ay hore ugu jireen: 3aad
- Belgium | Kaalintii ay hore ugu jireen: 2aad
- France | Kaalintii ay hore ugu jireen: 1aad