Israel oo ku dhawaaqday inay Bilowday duqeymo ka dhan ah Xamaas ee marinka Qaza.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Israel ayaa sheegtay inay bilowday duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xamaas ee marinka Gaza, ka dib markii buufimoyoyin qarax sameeyaa kaga yimaaddeen dhanka Gaza.

Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada Gaza salaaddii hore ee maanta.

Dhowr buufimooyin oo qarxaya ayaa ka yimi Gaza oo laga arkay Israel gelinkii hore ee Talaadada, taas oo sababtay dab badan oo kacay, sida ay sheegtay waaxda dab damiska ee Israel.

Waa markii ugu horreysay ee uu dagaal qarxo tan iyo 11 maalmood oo dagaal u dhexeeyay labada dhinac uu ku dhammaaday xabad joojin 21-kii May.

Waxay daba socotaa hawlgalkii ay wadaniyiinta Yuhuuddu ku qaadeen Bariga Qudus Talaadadii, taas oo keentay hanjabaado uga yimid Xamaas, kooxda maamusha Gaza.

Bayaan ay soo saareen ciidammada difaaca Israel ee loo yaqaan IDF waxay ku sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen xeryo militari oo ay maamulaan Xamaas oo ku yaala Khan Yunis iyo Gaza .

Waxay sheegeen in “falal argagixiso” ay ka dheceen goobahaas, iyo in IDF “loo diyaariyey wax kasta oo dhici kara sidii ay uu wajahi lahaayeen, oo ay ku jiraan dib u soo noqoshada dagaallada, iyadoo ay jiraan falal argagixiso oo ka socda Marinka Gaza”.

Weli ma cadda in duqeymaha cirka ay waxyeello geysteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here