Jowhar (Radio-Isnaay)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Dowlada Talyaaniga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.
Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha Fatahaadaha Amniga iyo fulinta Mashaariicyo Horumarineed oo wax tar u leh Bulshada Deegaanada Hirshabeelle.
Warbixintan waxa soo Jeedineysa;- Xaliimo Cali Ibraahim.