Waddankii Ugu Liitay Oo Hoggaanka U Qabtay Group E, Spain & Sweden Oo Isla Hadhay.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waddamada Spain iyo Sweden ayaa barbarro goolal la’aan ah ku bilowday tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kulan adkaa oo ay fursado badan iska lumiyeen xulka martida loo ahaa ee Spain.

Labadan waddan ee ku wada jira Group E oo la saadaalinayo inay kasoo gudbaan ayaa isku mari waayey ciyaar ay difaaca adkaysteen Sweden, laakiin saluug badan laga muujiyey taatikada tababare Luis Enrique oo ay ka maqnayd sirtii guushu.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay fursado badan heleen Spain oo gacanta ku hayay maamulka ciyaarta 90 boqolkiiba 20kii daqiiqadood ee ugu horreeyey, kuwaas oo ay dhawr jeer garaaceen goolka goolka.

Sweden ayaa noqotay waddankii ugu hooseeyey dhinaca kubbad-haysashada intii uu socday tartanku, waxaanay ku dhamaysteen iyagoo 25 boqolkiiba kaliya haysta.

Dani Olmo iyo Alvaro Morata ayaa laba kubbadood oo halis ahaa ku garaacay goolka Sweden, waxaana midka sii halista badnaa sameeyey Olmo oo madax ku qabtay kubbad laga soo tuuray dhinaca midig.

Robin Olsen ayaa ahaa ciyaartoyga garoonka ugu dedaalka badnaa, waxaanu kubbad cajiib ahayd ka qabtay Olmo. Alvaro Morata ayaa khasaariyey fursaddii ugu fiicnayd ee Spain heshay, waxaana kubbad uu dhaafiyey goolhayaha ay nasiib-darradiisa garab martay goolka.

Weeraryahanka Sweden ee Isak ayaa halis geliyey goolka Spain isagoo ka faa’iidaystay difaaca xulka martida loo ahaa ee badhtamaha garoonka taagnaa, waxaase kubaddaas badbaadiyey Llorente.

Qaybtii dambe ayay Sweden heshay fursad wanaagsan iyadoo kubbad uu Berg kusoo ganay uu helay Isak oo goolka oo madhan dhalin kari waayey.

Moreno oo qaybtii dambe soo galay ayaa isaguna ku dhowaaday inuu hoggaanka u dhiibo dalkiisa, laakiin wax kasta oo ay sameeyeen waxay Spain awoodi weyday inay jabiso difaaca birta ah ee Sweden iyo goolhaye Olsen oo ahaa xiddiga garoonka ee dalkiisa la baxsaday.

Tababare Luis Enrique ayaa ciyaartan kaydka geliyey Thiago Alcantara, Moreno, Traore, Sarabia iyo Diego Llorente, kuwaas oo uu ka doorbiday Pedri, Rodri, Koke iyo saddexda afka hore ee Olmo, Torres iyo Moratta.

Group E ayaa waxa cajiib ah in dalkii la dhayalsanayey ee ugu awoodda liitay ee Slovakia uu hoggaanka u hayo isagoo haysta saddex dhibcood kaddib markii uu fiidkii 2-1 ugaga badiyey Poland oo 10 ciyaartoy ku dhamaysatay kulanka kaddib kaadh cas oo ay qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here