Sacuudiga oo shaaciyay in sannadkaan aysan soo xajin karin Muslimiinta dalalka kale

0
119

Jowhar (Radio-Isnaay)- Wasaaradda Xajka & Cumrada ayaa ku dhawaaqday in Xajka sannadkan 1442 ee hijriyada (2021) uu ku koobnaan doona dadka degan iyo muwaadiniinta Sacuudi Carabiya oo keliya.

Tirada xujeyda ee sannadkan ayaa lagu koobay 60,000 kun oo keliya, waxaana xajinaya dadka deggan Sacuudiga iyo muwaadiniinta.

Taasi ayaa ka dhigan in xajkan uu noqonayao kii labaad oo aysan Muslimiintii ka soo xajin jirtay dalalka kale xajinayn.

Tallaabadan ayaa mas’uuliyiinta Sacuudiga ku sababeeyeen in weli ay jirto halista fayraska corona oo weliba isu badbadalayo noocyo cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here