Gerard Piqué oo si layaab leh kaga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona.

0
121

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daafaca Barcelona ee Gerard Piqué ayaa xaqiijiyay inuu ka fariisanayo kubadda cagta haddii ay kooxda go’aansato inay iska fasaxdo xagaagan ama mustaqbalka, taasoo muujineysa inuusan waligiis ku fikirin inuu ku biiro koox kale inta ka dhiman xirfadiisa.

Gerard Pique ayaa cadeeyay in Barcelona ay noqon doonto meesha ugu dambeysa ee xirfadiisa ciyaareed, xitaa hadii tababare Ronald Koeman iska iloobo adeegiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Haddaba Gerard Piqué oo la hadlay saxaafada ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona, wuxuuna yiri:

“Maalinta aan joojiyo u ciyaarista Barcelona, ​​waan ka tagi doonaa kubadda cagta, waligey uma ciyaari doono koox kale, halkan waxaan ku haysannaa wax walba.”

“Waxaa jira ciyaartooy u dhaqaada lacag darteed, iyo ciyaartoy u dhaqaaqda shaqsiyaad, haddii uu Ronald Koeman ii sheego bari inay waajib tahay inaan baxo, waan isaga tagayaa kubadda cagta, cidna uma ciyaari doono aan ka aheyn Barcelona.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here