Xulka Italy oo guul uu ka gaaray Turkey ku daah furtay Koobka EURO 2020…

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka Italy ayaa guul uu ka gaaray Turkey ku daah furtay Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020, kaddib markii uu kaga adkaatay 3-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada xul qaran Italy iyo Turkey ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 53-aad  xulka qaranka Talyaaniga ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta, kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga reer Turkey ee Merih Demiral, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-0.

66 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Xulka Italy Ciro Immobile oo caawin ka helay saaxiibkiis Leonardo Spinazzola ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0.

Daqiiqadii 79-aad Xulka Italy ayaa sii dheereystay hoggaaminta dheesha kaddib markii uu 3-0 ka dhigay Lorenzo Insigne oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Ciro Immobile.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0 uu kaga adkaatay xulka Italy, dhigiisa Turkey-ga, xilli kulankan lagu daah furay GROUP A ee Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here