DFS oo shaacisay xilliga xariga laga jarayo waddada Muqdisho & Afgooye

0
191

JOWHAR (Radioisnaay) Xukuumadda Frederaalka ah ee Soomaaliya  ayaa faah faahin ka bixisay xilliga rasmiga ah ee xariga laga jarayo dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhismaheeda uu waqti hore soo bilaawday.

Wasiirka Howlaha guud & Guryeynta ee Xukuumadda  Maxamed Soomaali ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in xariga laga jaro dhismaha wadada Bishii Febaraayo ee la soo dhaafay balse sababo amni darteed uu dib ugu dhacay.

Wasiirka oo la hadlay Warbahinta dowladda ayaa sheegay in dhismaha wadada uu haatan yahay geba-gabo, isla markaana la gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dhawaana xariga laga jari doono.

Ugu dambeyn Wasiirka Howlaha guud & Guryeynta ee Xukuumadda  Maxamed Soomaali ayaa sheegay in markii la dhameystiro ay kasoo bixi doonto waddo muhiim u ah isku socodka Magaalada Muqdisho & Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here