Horseed oo Guul weyn ka gaartay Kooxda Gaadiidka kulan qeyb ka ah Horyaalka Somali Premier League..  

0
222

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Horseed ayaa guul weyn ka gaartay naadiga Gaadiidka kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League, kaddib markii ay kaga adkaatay 5 – 0, ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta Horseed.

Daqiiqadii 18-aad kooxda kubadda cagta Horseed ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay ciyaaryahanka Lambarka 22-aad ee Joshua Abdul, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Farxaan xidig.

34 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Horseed ayaa dhalisay goolkeeda labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Nuur Cumar, waxaana markale caawinta goolkan lahaa Farxaan xidig.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 65-aad kooxda Horseed ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha kaddib markii uu 3-0 ka dhigay xiddiga Lambarka 28-aad Ibraahim, iyadoo uu markale caawiyay Farxaan xidig.

68 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Horseed oo sii wadata bandhigeeda goolasha ee kulankan ayaa dhalisay goolkeeda Afaraad kaddib markii uu 4-0 ka dhigay Farxaan maxamed axmed Xidig oo caawin ay kaga timid Ibraahim Ilyaas.

Daqiiqadii 93-aad Bile Muxudiin Buraale ayaa soo xiray bandhiga goolasha ee kulankan, wuxuuna dheesha ka dhigay 5-0 ay ku hoggaamineyay kooxda Horseed.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 5-0 ay kaga adkaatay Horseed kooxda Gaadiidka, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here