England Oo Guul Ka Gaadhay Romania iyo Rashford Oo Soo Afjaray Rikoodhkii Ceebta Ahaa Ee 51ka Sannadood Jiray.

0
156

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka England ayaa soo afjartay rikoodhkii murugada lahaa ee ka haystay Romania oo aanay ka badinin muddo 51 sannadood ah, waxaana ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday magaalada Middlesbrough ay ku badiyeen 1-0.

England oo isku diyaarinaysa tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya waxay kulankii labaad oo saaxiibtinimo ku ballansatay Romania oo ay ugu dambaysay in ay ka adkaato intii uu socday Koobkii Adduunka ee 1970kii, waxaana la baxsaday Marcus Rashford oo beddel ku baxay, kana badbaadiyey in rikoodhka xun ee nus-qarniga jiray uu sii socdo.

Garoonka Riverside Stadium oo la dhisay 1995kii ayuu xulka qaranka England ka dhigtay hoyga kulamada saaxiibtinimo, waxaana tababare Gareth Southgate uu haystay xasuusta xun ee ahayd in markii ugu dambaysay ee Romania ay iska hor yimaaddanaan oo ahayd Euro 2000 uu beddel kusoo galay, laakiin dalkiisa lagu garaacay 3-2, iyadoo uu waqtigaas Romania hoggaaminayay Gheorghe Hagi.

England ayaa si dardar ah ku bilaabatay ciyaartan oo qiimayn gaar ah lagu samaynayay shaxda ugu habboon ee Southgate uu ku dheeli karo tartanka qaramada Yurub, waxaana qaybtii hore oo ay u ahayd mid niyad-jab ah oo ay halis badan abuuri kari waayeen.

Calvert-Lewin iyo Jadon Sancho ayaa laba  jeer birta garaacay qaybta hore, halka Romania ay saddex jeer ku dhowaatay in ay shabaqa England kubadda dhex-dhigto.

Qaybta labaad ayaa uu Southgate sameeyey isbeddello badan, waxaana markii lagu soo noqday garoonkaba uu soo raaciyey kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson oo kulankiisii ugu horreeyey saftay muddo afar bilood ah, iyadoo uu dhaawacmay bishii February ee horraantii sannadkan.

Daqiiqaddii 68aad ayaa  England loo dhigay rikoodhe kaddib markii Jack Grealish oo dhinaca bidix kasoo galay lagu dhex riday xerada ganaaxa xilli uu dhaafayay Cpusa, waxaana garsooraha reer Portugal ee Tiago Martins ee kulanka dhexdhexaadinayay uu qabtay rikoodhe.

Marcus Rashford ayaa  kubadda soo qaatay oo gool u beddelay rikoodhahaas, waxaanu goolkaasi ahaa midkii 12aad ee uu u dhaliyo xulka England iyo goolkiisii shanaad ee lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

RIKOODH: Marcus Rashford oo ciyaartan kabtan ka ahaa ayaa noqday ciyaartoygii toddobaad ee Manchester United ah ee kulankiisii ugu horreeyey ee kabtanka looga dhigay England dhaliya gool.

Daqiiqaddii 77aad ayaa rikoodhe kale loo dhigay England kaddib markii uu Chiriches si kama’ ah madaxa u qabtay Grealish. Kabtanka Romania ayaa kasii dul-booday Calvert-Lewin oo uu dhulka dhigay, waxaana sidaas rikoodhihii labaad loogu dhigay England.

Khasaare: Jordan Henderson ayaa rikoodhaha loo daayey in uu dhaliyo si uu dib ugu helo kalsoonidiisa maadaama uu muddo badan garoomada ka maqnaa, laakiin nasiib-darro waxa uu khasaariyey goolkaas iyadoo uu kubaddaasna badbaadiyey goolhayaha Romania ee Florin Nita.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here