Xiddigga Soomaaliga Ah ee Abdi Sharif oo Ka Tegaya Liverpool – Kooxdee Ayuu Kusii Jeedaa?

0
222

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay liiska ciyaartooyo si xor ah uga tegaya xagaagan oo uu ku jiro xiddiga Soomaaliga ah ee Abdi Sharif oo u ciyaarayay kooxda da’yarta Liverpool.

War-saxaafadeed ay shalay soo saartay ayay Liveprool ku sheegtay, in afar ka mid ah ciyaartoydeeda da’yarta ay si xor ah uga tegayaan kooxda kaddib markii uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka 2020-21.

Liam Coyle, Joe Hardy, Jack Walls iyo laacibka Soomaaliga ah ee Abdi Sharif ayay Liverpool sheegtay in ay iska tegayaan, iyadoo uga mahad-celisay wixii ay u qabteen kooxda muddadii ay joogeen, waxaanay war-saxaafadeedka ku tidhi: ‘Qof kasta oo kooxda ahi wuu u mahad-celinayaa Liam, Joe, Abdi iyo Jack qaybtii ay ku lahaayeen kooxda, waxaananu u rajaynaynaa nasiib wanaagsan mustaqbalkooda ciyaareed.”

Halka laga fasaxay afartan ciyaartoy, Liverpool waxay qandaraasyo u bandhigtay Yasser Larouci iyo Remi Savage si ay usii joogaan kooxda.

Waa kuma Abdi Sharif?

Abdi Sharif oo ah ciyaartoy Somali ah ayaa Liverpool ku biiray isagoo ay da’diisu tahay SAGAAL jir, waxaanu galay kulliyadda kooxdaas oo uu uga soo dallacay heerarka kala duwan oo uu u ciyaarayay sannadihii ugu dambeeyey, sida 16-jirrada iyo 18-jirrada.

Xilli ciyaareedkii 2018-19ayuu ka mid ahaa xiddigihii da’yarta Liverpool ee ku guuleystay Koobka FA Youth Cup, waxaana kulankii finalka uu rikoodhe ka dhaliyey Manchester City oo ay koobka ka qaadeen.

Waxa loo dallacsiiyey January 2019 in uu qayb ka noqdo kooxda ay da’doodu ka hoosayso 23 jirrada oo uu u ciyaarayay illaa uu soo gaadhay dhaawac xun oo sababay in qalliin lagaga sameeyo jilibka xagaagii sannadkaas xilli ay ciyaar saaxiibtinimo la lahaayeen Coventry City.

Sharif ayaa isagoo dhaawaca kasoo kabanaya, waxa uu saxeexay heshiis cusub May 2018 sannadkii hore, laakiin hadda ayay Liverpool xaqiijisay in uu ka tegayo kooxda oo lagu daray liiska ciyaartoyda sida bilaashka ah ku baxaya.

Halkee ayuu ka ciyaaraa?

Abdi Sharif waxa uu ka mid yahay ciyaaryahannada tirada yar ee awoodda u leh in ay boosas badan ka ciyaaraan. Booskiisa asalka ah waa khadka dhexe, waxaase uu ka dheeli karaa difaaca midig iyo difaaca midig.

Halkee ayuu kusii jeedaa?

Kaddib markii ay Liverpool xaqiijisay in Abdi Sharif uu ka tegayo kooxdeeda, laacibkan ayaan wax war ah laga maqal, illaa haddana si dhab ah looma oga naadiga uu u wareegi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here