Maxay Ahayd Ujeeddadii Qarsoonayd Ee Kulankii Saaxiibtinimo Ee Spain vs Portugal Ee Xalay.

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Spain iyo Portugal ayaa xalay ciyaar saaxiibtinimo ku dheelay magaalada Madrid, waxaanay ku kala baxeen barbarro goolal la’aan ah inkasta oo ay jireen fursado dahabi ahaa oo ay iska khasaariyeen.

Kulankan oo ahaa mid ay labada waddan iskugu diyaarinayeen tartanka Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya, waxa kasoo muuqday xiddigaha waaweyn ee labada  waddan sida Cristiano Ronaldo, Bruno Fernandes, Alvaro Morata iyo Thiago Alcantara.

Ciyaartan waxa daawanayay Boqorka Spain ee King Felipe VI iyo Madaxweynaha waddanka Portugal ee Marcelo Rebelo de Sousa oo waqti horeba iska soo xaadiriyey garoonka Wanda Metropolitano ee Atletico Madrid ee lagu ciyaarayay.

Labada Ra’iisal Wasaare ee Spain iyo Portugal ayaa iyaguna joogay garoonka, waxaanay halkaas ku kala saxeexdeen heshiis iyo shaacin ay dunida iyo xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ugu muujinayaan damacooda ah, in ay doonayaan in ay wada-jir u martigeliyaan Koobka Adduunka ee sannadka 2030.

Ciyaartoyda labada kooxood ayaa iyaguna ku labbistay garamo caddaan ah oo ay ku qornayd ‘Vamos 2030’.

Heshiiska labada waddan ay kala saxeexdeen ayaa waxay ku yidhaahdeen: “Dawladaha Spain iyo Portugal, waxay muujinayaan damacooda iyo ka go’aanshahooda ah inay wada-jir u martigeliyaan Koobka Adduunak 2030”

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Portugal ee Fernando Gomes iyo dhiggiisa Spain ee Luis Rubiales ayaa qorshahan bilaabay bishii October ee sannadkii hore.

Rubiales ayaa xalay u sheegay warbaahinta: “Waa farriin kale oo xidhiidhadani dirayaan: haddii aad na siisaan kalsoonidiina, marka aad waddamayada timaaddaan waxa aad heli doontaan khibrad aydaan illoobi doonin.”

FIFA ayaa go’aan ka gaadhi doonta waddanka martigelinaya Koobka Adduunka 2030 marka la gaadho sannadka 2024.

Spain iyo Portugal, waxa kula tartamaya martigelinta koobka adduunka waddamo badan oo iyaguna si wada jir ah u doonaya in ay koobkan u qabtaan, sida UK iyo Republic of Ireland oo wada-jir ah iyo Argentina, Uruguay, Paraguay iyo Chille oo iyaguna hal waddan isku ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here